Arsenal Iyo Inter Oo Qeyb Ka Ah Kooxaha Ku Tartamaya Tartanka Florida Cup Ee Xagaaga

Kooxaha Arsenal, Everton, Inter iyo kooxda heysata horyaalka Colombia ee Millonarios ayaa ku tartami doona koobka Florida Cup ee ka qabsoomaya Gobolka Florida ee dalka Mareykanka bisha July.

Tartankan oo mar weliba la qabto kahor xilli-cayaareed walba ayaa kulmiya qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn qaaradda Yurub iyo Koonfurta Ameerika inkastoo ay tani tahay markii ugu horreysay ee kooxo Premier League ahi ay ka qaybgalaan.

Tartanku waa isreeb-reeb toos ah iyadoo afarta kulanba lagu qaban doono garoonka Camping World Stadium ee magaalada Orlando inta u dhexeysa 25-28 July.

Labada Semi-final ayaa u dhici doona siddan: Millonarios ayaa la ciyaari doona Everton halka Arsenal ay la ciyaari doonto Inter Axadda 25 July, iyadoo kaalinta seddexaad ee isreebreebka iyo finalka la qorsheeyay Arbacada 28 July.

Kahor inta uusan tartanku bilaabmin waxaa laga yaabaa inay kacdoono lixaad leh galaan mid kasta oo ka mid ah kooxaha Yurub ee ku lugta leh.

Everton ayaa haatan ah tababare la’aan kaddib markii Carlo Ancelotti uu ku biiray Real Madrid waxaana jira xitaa hubanti la’aan sii weyn oo heysata kooxda Inter maadaama ay iyana lumiyeen Antonio Conte.

Arsenal sidoo kale waxay kujirtaa marxalad kala guur ah. David Luiz ayaa ka tagaya kooxda sidoo kale cayaartooy badan oo uu kamid yahay Granit Xhaka ayaa lala xiriirinayaa kooxaha dibadda waxaana macquul ah in wejiyo caan ah oo safka kooxda ka tirsan ay ku biiraan asxaabta kooxahooda cusub kahor inta uusan bilaaban koobkan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Conte Oo Wadahadallo Kula Jira Tottenham Hotspur

Read Next

‘Sidee Ku Dhacdaa’ – Taageerayaasha Arsenal Oo Ka Falceliyay Waxa Koox Cadowgooda Ay Qorsheyneyso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?