RASMI: Real Madrid Oo Ancelotti U Magacaawday Shaqada Tababarenimo Ee Kooxda

Carlo Ancelotti ayaa ah tababaraha cusub ee Real Madrid kaddib markii uu Florentino Perez soo la dhacay tababaraha reer Italy oo dhowaan leylinayay kooxda Everton.

Inkastoo Raul iyo Mauricio Pochettino ay ahaayeen tartamayaasha ugu cadcad, Carlo Ancelotti ayaa si layaableh usoo horbooday dhanka hore ee safka shaqada kooxda Los Blancos.

Magacaabistiisa ayaa la macno ah inuu dib ugu soo laabtay kooxdii shaqada ka ceyrisay lix sano kahor, iyadoo Perez uu madax ka ahaa guddiga go’aankaas gaadhay dhammaadka xilli ciyaareedkii 2014-15.

Perez ayaa sheegay in waqtigaas uu xiriir shaqsiyadeed oo wanaagsan lalahaa Ancelotti, taasna ay qeyb ka noqon doonto dib ugusoo celinta tababaraha ruug cadaaga ah caasimada Spain ee Madrid.

Abdihakim Olad

Read Previous

Ancelotti Oo Loo Magacaabayo Tababaraha Real Madrid Saacadaha Soo Aadan

Read Next

Liiska Cayaartooyda Xulka Ingiriiska Ee Tartanka Qaramada Yurub Oo La Shaaciyay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?