Ancelotti Oo Loo Magacaabayo Tababaraha Real Madrid Saacadaha Soo Aadan

Ugaarsiga Real Madrid ee tababare cusub ayaa durba umuuqda mid gabagabo ku dhow iyadoo tababaraha Everton Carlo Ancelotti la filayo in lagu dhawaaqo inuu yahay ninka cusub ee hoggaamin doona kooxda.

Los Blancos ayaa suuqa ugu jirtay tababare cusub tan iyo markii uu Zinedine Zidane ka tagay kooxda kaddib markii ay awoodi waayeen inay difaacdaan horyaalka La Liga.

Sida la filayo shaqadan heerka sare ah, magacyo badan ayaa durba lala xiriiriyay Real oo ay ka mid yihiin Mauricio Pochettino, Antonio Conte, Raul Gonzalez iyo tababaraha Belgium Roberto Martinez.

Magaca tababaraha Everton Ancelotti ayaa lagu dhex tuuray maalmihii ugu dambeeyay saxaafadda waxaana Marca ay haatan werineysaa in tababaraha reer Talyaani lagu dhawaaqi doono inuu yahay tababaraha cusub ee Real Madrid saacadaha soo aadan.

Abdihakim Olad

Read Previous

“Barca waxaan xiiseeynayay ilaa 14 jirkeeygii” – Sergio Aguero

Read Next

RASMI: Real Madrid Oo Ancelotti U Magacaawday Shaqada Tababarenimo Ee Kooxda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?