Rudiger Oo Raali-Gelin Ka Bixiyay Dhaawicii De Bruyne Xilli Xiddiga Belgium Laga Cabsi Qabo Inuu Seego Euro-ga

Antonio Rudiger ayaa la xiriiray Kevin De Bruyne kaddib markii uu sabab u noqday dhaawacii garoonka looga saaray xiddiga Manchester City fiinaalka Champions League.

Daafaca kooxda Chelsea ayaa layaabay markii uu ogaaday cawaaqib xumada ka dhalatay awoodiisa jidhahaaneed ee uu u adeegsaday Kevin De Bruyne finalkii Champions League-ga kaddib markii cayaaryahankan reer Belguim uu dhaawac kasoo gaaray wejiga iyadoo sanka uu ka jabay.

Rudiger ayaa sheegay inuu run ahaantii ka xunyahay dhacdadaasi, taasoo keentay in la siiyo kaarka digniinta ah isla markaana kubbad-sameeyaha Manchester City De Bruyne laga saaro cayaarta.

Daafaca dhexe ee Jarmalka ayaa sheegay inuu “xiriir la sameeyay” Kevin De Bruyne cayaarta kaddib markii ay Chelsea ku badisay 1-0 si ay u noqoto horyaalka kooxaha Yurub markii labaad taariikhdooda.

Dhacdadan ayaa dhacday daqiiqadii 56aad ee ciyaartii Sabtida ee ka dhacday Porto, xilligaas oo kooxda Pep Guardiola ee City durbaba laga dhaliyay gool, kaas oo noqday goolkii ugu muhiimsanaa cayaarta.

De Bruyne wuxuu cayaarta ka daawanayay tarbuunka xoogaa kahor inta aan laga saarim gebi-ahaanba garoonka, waana la arki doonaa haddii dhaawaca uu ka reebayo tartanka Euro 2020.

Haddii uu xulkiisa Belguim u safanayo waxaa laga yaabaa inuu awoodo inuu u cayaaro keliya haddii uu xiranyahay maaskaro.

Rudiger ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Runtii waan ka xumahay dhaawaca @ DeBruyneKev. Dabcan tani igama ahayn ula kac aniga – durba waxaan la xiriiray shaqsiyan Kevin waxaanan runtii u rajeynayaa soo kabasho deg deg ah sidoo kale waxaan rajeynayaa inaan dib ugu arki karno mar dhow garoonka dhexdiisa. “

De Bruyne ayaa mar sii horeysay xaqiijiyay dhaawiciisa inuu yahay “jabka lafaha sanka oo daran”

Tababaraha xulka kubbada-cagta ee Belgium Roberto Martinez ayaa u sheegay CBS Sports in Rudiger ay aheyd in casaan la siiyo kaddib dhacdadaas.

“Aniga ahaan, waxay ahayd awood xad dhaaf ah oo aan taxaddar lahayn. Waxayna ahayd inay noqoto kaar casaan ah. Waxay iga dhigaysaa mid u xumaado [De Bruyne].” Ayuu yiri Martinez.

Belgium, oo ay FIFA ku qiimeysay kooxda koowaad ee adduunka, ayaa bilaabaya ololahooda Euro 2020 ee ay Russia kula ciyaarayaan St Petersburg bisha June 12keeda, iyadoo ay dheeli doonaan kulamo kale oo guruubyo ah oo ay la ciyaari doonaan xulalka Denmark iyo Finland.

Abdihakim Olad

Read Previous

SUUQA-MAANTA: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala-iibsiga Cayaartooyda (30 May 2021)

Read Next

Aurier Oo Sheegay Inuu Ka Tagayo Spurs Xilli Real iyo Kooxo Kale Ay PSG Ku Loolamayaan Saxiixiisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?