Pochettino Oo Codsaday Inuu Ka Tago Shaqada Kooxda PSG

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, tababaraha Paris-Saint Germain Mauricio Pochettino ayaa weydiistay kooxda reer Faransa in la fasaxo, kaliya lix bilood kaddib markii la magacaabay.

Waxaa aad loola xiriirinayaa inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee  Tottenham sidoo kale Real Madrid ayaa kamid ah kooxaha ugu horreeya saxiixiisa haddii uu noqdo mid la heli karo.

49 jirkan reer Argentine, ayaa laga ceyriyay shaqada leylinta kooxda  Tottenham bishii Nofeembar ee sannadkii 2019 kaddib shan sano oo uu leylinayay, wuxuu qabtay shaqada kooxda Paris St-Germain bishii Janaayo 2021.

Xilli cayaareedkan tegay, PSG ayaa ku guuldarreysatay inay ku guuleysato horyaalka Ligue 1ka Faransiiska keliya markii labaad muddo sagaal xilli ciyaareed ah, waxaana  ay guuldarro kala kulantay kooxda Manchester City semi-finalkii tartanka Champions League-ga.

Abdihakim Olad

Read Previous

Man City Oo Heshiis Usoo Bandhigtay Sergio Ramos

Read Next

Ancelotti:Ramos Iyo Bale Waxaan Doonayaa Inay Joogaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?