Man City Oo Heshiis Usoo Bandhigtay Sergio Ramos

Manchester City ayaa qarka u saaran inay usoo bandhigto daafaca Real Madrid Sergio Ramos heshiis labo sano ah – sida laga soo xigtay ESPN.


Kooxda heysata horyaalka Premier League sannad cayaareedkii tegay ayaa rajeyneysa inay xaqiijiso adeega 35 jirkaan haddii uusan heshiis uusan qandaraaska u cusbooneysiin kooxda ku cayaarta garoonka Santiago Bernabeu.


Ramos qandaraaska uu haatan kula joogo Madrid wuxuu dhacayaa dhammaadka bisha Juun, wuxuuna horey u diiday qandaraas hal sano ah oo ay Real usooo bandhigtay iyadoo uu hatan tallaabo u jiro inuu ka baxo albaabka qolka labiska ee kooxda Real Madrid.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Dooneeysa Inay Toos Ula Wareegto Odegaard

Read Next

Pochettino Oo Codsaday Inuu Ka Tago Shaqada Kooxda PSG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?