Chelsea Oo Dooneeysa Soo Celinta Lukaku

Chelsea ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Inter Romelu Lukaku, sida laga soo xigtay The Guardian.

Lukaku, oo kusoo biiray Blues 2011kii kahor inta uusan ka tagin 3 sanno kaddib, ayaa lagu soo waramayaa inuu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa kaddib markii Antonio Conte uu ka tagay Inter iyadoo xaalad dhaqaale xumo ay heysato kooxda heysata Serie A-da dalka Talyaaniga.

Afarta cayaaryahan ee kala ah Lukaku, Lautaro Martinez, Achraf Hakimi – oo lala xiriirinayo Paris Saint-Germain – iyo Alessandro Bastoni ayaa laga soo waramayaa inay suuq geyneyso kooxda Nerazzurri.

Chelsea ayaa haatan isha ku heysa inay dib ula midowdo bartilmaameedka Real Madrid iyo Barcelona ahna xiddigeedii hore ee Romelu Lukaku kaddib markii ay ku guuleysteen Champions League-ga, halka xiddiga Tottenham Harry Kane iyo xiddiga Borussia Dortmund Erling Haaland ay sidoo kale diirada u saaran yihiin.

Abdihakim Olad

Read Previous

Zidane: “Real Kalsooni Iguma Qabin, Siddaas Ayaan Uga Tagay”

Read Next

Arsenal Oo Dooneeysa Inay Toos Ula Wareegto Odegaard

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?