Aurier Oo Sheegay Inuu Ka Tagayo Spurs Xilli Real iyo Kooxo Kale Ay PSG Ku Loolamayaan Saxiixiisa

Dambeedka middig ee kooxda Tottenham ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu ka tago waqooyiga London, iyadoo ku laabashadiisa Paris ay tahay mid ka mid ah dooqyadiisa macquulka ah.

Daafacan ayaa kooxda Spurs kusoo biiray sannadkii 2017kii isagoo ku yimid lacag dhan 23 milyan oo euro oo uu kaga soo biiray kooxda PSG.

Tan iyo markaas wuxuu saftay in ka badan 100 kulan tartamada oo dhan. Xirfadiisa Spurs waxay aheyd mid jahwareer ah mararka qaar, isagoo sameeyay qaladaad dhowr ah oo heer sare ah sidoo kalena la tacaalayay dhibaatooyin taam ahaansho kaddib markii ay hareeyeen dhaawacyo kala duwan.

Qandaraaskiisa haatan ayaa lagu wadaa inuu dhaco sannadka 2022ka, wareysi uu siiyay majaladda L’Equipe ayuu ku xaqiijiyay inuusan qandaraaska u kordhin doonin kooxda Tottenham.

Kooxdiisii hore ee PSG ayaa tixgelineysa inay dib ulasoo saxiixato. Atletico Madrid, Milan iyo Real Madrid ayaa sidoo kale laga yaabaa inay isku dayaan inay u dhaqaaqaan Aurier.

Inkastoo uu khalad u nugul yahay, Ivorian-kan waa daafac adag oo heer sare ah marka uu ku jiro qaabkiisa. Wuxuu ka ilaaliyay Matt Doherty booska joogtada ah ee kooxda inta badan xilli ciyaareedkan wuxuuna soo bandhigay qaab cayaareed daafacasho oo dhammeystiran marka laga soo tago tayadiisa marka uu weerar tago.

Beddel ahaan, Spurs waxaa lala xiriirinayay xiddiga kooxda Norwich City Max Aarons.

Cayaaryahankan da’da yar ee reer England ayaan raqiis noqon doonin, in kastoo, gaar ahaan kooxda Norwich city ay xaqiijisay usoo dallacitaankooda Premier League-ga horraantii bishaan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Rudiger Oo Raali-Gelin Ka Bixiyay Dhaawicii De Bruyne Xilli Xiddiga Belgium Laga Cabsi Qabo Inuu Seego Euro-ga

Read Next

Zidane: “Real Kalsooni Iguma Qabin, Siddaas Ayaan Uga Tagay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?