Arsenal Oo Dooneeysa Inay Toos Ula Wareegto Odegaard

Kooxda kubbada-cagta ee Arsenal ayaa dooneeysa inay si toos ah ula saxiixdaan xiddiga haatan amaahda ugu jooga ee reer Norway.

Gunners waa inay bixisaa 60 million oo ginni si ay ula soo saxiixato Martin Odegaard oo ka tirsan Real Madrid kaasoo xilli-cayaareedkii tagay amaah ku joogay waqooyiga London.

Waa sida laga soo xigtay Defensa Central’e, Gunners ayaa isha ku heysa inay soo qaadato kubbadsameeyahan reer Norway kaddib lix bilood oo amaah ah oo uu ku qaatay Emirates Stadium.


Odegaard, oo qandaraas kula jira Real ilaa sannada 2023ka, ayaa Arsenal u dhaliyay hal gool isagoo gacan ka geystay labo caawin xilli ciyaareedkii tegay ee 2020-21 ee Premier League-ga.

Tababare Mikel Arteta ayaa xiddigan aad ula dhacsan waxaana uu doonayaa inuu Real ka sirsirto saxiixiisa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Chelsea Oo Dooneeysa Soo Celinta Lukaku

Read Next

Man City Oo Heshiis Usoo Bandhigtay Sergio Ramos

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?