Ancelotti:Ramos Iyo Bale Waxaan Doonayaa Inay Joogaan

Carlo Ancelotti ayaa doonaya inuu tababare u noqdo Sergio Ramos xilli ciyaareedka soo socda laakiin tababaraha cusub ee Real Madrid ayaa qirtay in mustaqbalka daafacan uu weli hawada ku jiro.

Qandaraaska Ramos wuxuu dhacayaa maalmo gudahood inkasta oo ciyaaryahanka reer Spain uu muddo dheer wadahadal kula jiray Real kaasoo ku aadan heshiis cusub, wax horumar ah oo muuqdase kamasoo naaso cada.

Inkastoo ololihiisii 2020-21 ay carqaladeeyeen dhaawacyo aakhirkii uu ku waayey booskiisa Euro 2020 ee Spain, 35 jirkan ayaa weli ah mid ay muuqato tayadiisa.

Ciyaaryahanka kale ee Ancelotti uu rajeynayo inuu la shaqeeyo xilli ciyaareedka soo socda waa Gareth Bale.

31 jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii 2020-21 amaah ku qaatay kooxda ka dhisan Premier League ee Tottenham, isagoo xilli ciyaareedkaan ku dhameystirtay 16 gool iyo seddex caawin 34 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Pochettino Oo Codsaday Inuu Ka Tago Shaqada Kooxda PSG

Read Next

“Barca waxaan xiiseeynayay ilaa 14 jirkeeygii” – Sergio Aguero

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?