XASAASI: Juventus Oo Dooneeysa Inay Pogba, Ronaldo Dhaafsato!!

XASAASI: Juventus Oo Dooneeysa Inay Pogba, Ronaldo Dhaafsato!!

Tababare Massimiliano Allegri oo dhowaan dib ugu soo laabtay kooxda Bianconeri ayaa doonaya inuu isbeddel weyn ku sameeyo kooxdan uu u yimid, cayaartooy badanna uu ka fasaxo, waxaana la sheegayaa inuu ku fikirayo inuu ka billaabo Cristiano Ronaldo oo aanu dooneeynin adeegiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa si aad ah loola xiriirinayaa inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Manchester United halka ay jiraan warar kale oo Pogba la xiriiranaya inuu isna ku laabto kooxda Juve taasoo la filayo inay ku kala wareegaan heshiis isdhaafsi ah.

Juventus ayaa ka fiirsan doonta inay ku beddelato Cristiano Ronaldo khadkeedii dhexe ee hore ee Paul Pogba, sida ay qortay Gazzetta dello Sport.

Manchester United ayaa inta badan lagu soo waramayaa inay tahay meesha ugu macquulsan ee uu caga dhigan karo Ronaldo maadaama ay si weyn uga faa’iideysteen saameynta Edinson Cavani oo gacan ka geystay koboca da ‘yarta kooxda, waxaana laga yaabaa inay xitaa ku darsadaan weerarkooda xiddig halyeey ah oo qasnadihii ay uga buuxaan koobab iyo rikooro kala duwan.

Inkastoo Cayaaryahan Paul Pogba oo isna lala xiriirinayo kooxda Juventus uu aad uga da’yar Cristiano Ronaldo, haddana tababare Allegri ayaa aad ula dhacsan xiddigiisii hore marka loo eego Ronaldo waxaana loo arki lahaa inay Juventus sameeysay horumar aad u weyn marka ay isdhaafaan labadan xiddig.

Dhanka kale Ronaldo ayaa dhab ahaantii isbeddel weyn ku keeni kara shaxda kooxda Manchester United haddii uu usoo wareego inkastoo uu gaboow yahay oo laga yaabo inaanu si joogto ah looga helin bandhigyadiisii ilqabadka lahaa haddana wuxuu si muuqataa uga dhex muuqan doonaa kooxda ku cayaarta garoonka masraxa riyada ee Old Trafford.

Abdihakim Olad

Read Previous

Maxaa Xalay Ka Qaldamay Tababare Pep Guardiola Iyo Kooxdiisa City?

Read Next

SUUQA-MAANTA: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala-iibsiga Cayaartooyda (30 May 2021)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?