Tottenham Oo Xiiseeyneysa Gabriel Jesus

Tottenham ayaa u aqoonsatay weeraryahanka Manchester City Gabriel Jesus bartilmaameed suuqa kala iibsiga ah – sida ay qortay The Daily Star.

Jesus ayaa xalay bandhig cajiib ah oo geesinimo leh soo bandhigay kulankii xalay fiinaalka Champions League-ga inkastoo keligii uu awoodi waayay inuu kooxdiisa ka hor joogsado guuldarradii Chelsea kasoo wajahay.

Xiddigan ayaa durbaba soo jiitay indhaha kooxda kubbada-cagta ee Tottenham waxaana ay doonayaan inay lasoo saxiixdaan.

City ayaa ku qiimeysa cayaaryahankan reer Brazil adduun dhan £ 70 million ($ 99m), iyadoo Spurs ay u furan tahay inay sidoo kale qayb uga dhigto heshiis kasta oo Harry Kane uu ugu dhaqaaqi karo Etihad Stadium xagaagan.

Jesus, oo kaliya labo sano ay uga hartay qandaraaskiisa haatan ee City, ayaa dhaliyay 14 gool 42 kulan oo uu kooxda u saftay xilli ciyaareedkan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Marseille Oo La Wareegeysa Guendouzi

Read Next

Maxaa Xalay Ka Qaldamay Tababare Pep Guardiola Iyo Kooxdiisa City?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?