SUUQA-MAANTA: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala-iibsiga Cayaartooyda (30 May 2021)

  • Manchester City ayaa ku heli karta Harry Kane heshiis lacag iyo isku-beddel ah oo u diraya Gabriel Jesus kooxda Tottenham, Daily Star ayaa warinaysa.
  • Arsenal ayaa xiiseyneysa daafaca dhexe ee Sevilla Jules Kounde iyo daafaca Bayer Leverkusen Edmond Tapsoba, sida laga soo xigtay The Athletic. Barcelona ayaan wali ka quusan iskudaygooda ay kula soo saxiixaneyso Matthijs de Ligt oo ka tirsan Juventus, sida ay qortay Marca.
  • Lazio ayaa ku biirtay Roma iyada oo dooneysa daafaca rugcadaaga ah ee Jerome Boateng iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka uu ka tagayo Bayern Munich.
  • Granit Xhaka ayaa diiradda u saaran kooxda Jose Mourinho ee Roma, Arsenal-na waxay sheegtay inay ku dooneyso 17 milyan ciyaaryahankam khadka dhexe, La Gazzetta dello Sport ayaa qortay.
  • Pedrinho ayaa ka tagi doona Benfica kahor xilli ciyaareedka soo socda, sida ay warinayso ESPN, iyadoo Shakhtar Donetsk ay u badan tahay inuu tago 23 jirka reer Brazil.
  • Crystal Palace ayaa kala hadli doonta tababarihii hore ee kooxda Wolves Nuno Espirito Santo sidii loo uu u beddeli lahaa Roy Hodgson, The Sun ayaa warinaysa.

Abdihakim Olad

Read Previous

XASAASI: Juventus Oo Dooneeysa Inay Pogba, Ronaldo Dhaafsato!!

Read Next

Rudiger Oo Raali-Gelin Ka Bixiyay Dhaawicii De Bruyne Xilli Xiddiga Belgium Laga Cabsi Qabo Inuu Seego Euro-ga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?