Maxaa Xalay Ka Qaldamay Tababare Pep Guardiola Iyo Kooxdiisa City?

Tababaraha reer Catalan, 10-sanno oo uu sugayay guul kale oo yurub ah ayaa soo idlaan weysay xalay kaddib markii uu si xun u qalday shaxdiisa kulankii ay kooxda Chelsea ku guulleeysatay tartanka Champions League-ga.

Pep Guardiola wuxuu si sax ah u ogaa waxa dhaleeceyntu noqon laheyd haddii khamaarkiisii weyn uusan suuragali lahayn oo ah waxa dhab ahaantii dhacay xalay kulankii fiinaalka Champions League-ga.

Tababaraha kooxda Manchester City ayaa si aad ah loogu dhaleeceeynayaa inuu si aad ah u fikiray oo uu ‘iska badbadiyo’ fiinaaladda Yurub 10-kii sanno ee ugu danbeysay iyadoo markii ugu dambeysay koobkan uu kula guuleeystay kooxda Barcelona.

Xitaa haddii uu wacdaro ahaa ololihii City oo ay kusoo gaareen Fiinaalka Champions League-ga sannadkan, iyadoo City ay ka badisay Borussia Dortmund iyo Paris Saint-Germain, Guardiola wuu iska caabin kari waayey shaxdiisii dabacsaneyd kulankii ugu dambeeyay.

Waxaa laga yaabaa inuu waqti dheer oo isdiyaarin ah ku bixiyay kulankii xalay ka dhacay magaalada Porto, isagoo ka fikiraya xaalad kasta oo suurtagal ah

Waxaa sidoo kale macquul ah inuu isku dayay inuu qiimeeyo tababare Thomas Tuchel kaddib labo guuldarro oo ka soo gaartay Chelsea tan iyo markii uu macalinka Jarmalka ah la wareegay.

Balse Guardiola wax walba way ka qaldameen xalay, isagoo ku dhaqaaqay nidaam mas’uul ka ah rogista ololahooda 2020-21.

Guardiola the fall guy as Man City's Champions League anguish goes on

Kulankii xalay wuxuu ahaa fiinaalkoodii ugu horreeyay abid ee tartamada Yurub, isagoo si aan macquul aheyn u qoondeeyay cayaartii ugu weyneyd taariikhda kooxda.

Fernandinho iyo Rodri midkoodna laguma soo darin daafaca khadka dhexe, iyadoo Ilkay Gundogan oo ah xiddig leh maskaxiyad weerar uu taliye ka noqday saldhigga qeybta dhexe ee garoonka kooxda.

City ayaa cayaartay 60 kulan xilli-cayaareedkan kaliya hal jeer ayey kusoo billoowdeen iyadoo ay ka maqan yihiin Rodri iyo Fernandinho, kulan bishii November ay 3-0 kaga badiyeen kooxda Olympiacos.

Laakiin shaxda macalin Thomas Tuchel ee Chelsea ayaa gabi ahaanba ka duwaneyd tan dhiggiisa Pep isagoo si wanaagsan u adkeeyay una maamulay bartamaha garoonka.

Guardiola ayaa ku raaxeysanayay kubbadaha gadaal laga soo dhisayo, isagoo isku dayaya inuu cayaartooyda siiyo xasiloonida kulanka fiinaalkii ugu horreysay ee City ee Champions League. Degenaanshihiisu ma waarin muddo dheer kaddib biloowgii cayaarta.

Intaa kaddib Guardiola wuxuu isku dayay inuu abaabulo dhaqdhaqaaqa kooxdiisa dhinaca khadka dhexe iyo weerarka oo uu daafaca kasoo xirayay, isagoo gacmahiisa u lulaya si dabiici ah una tilmaamaya ciyaartoydiisa inay siddaas iyo siddan sameeyaan si ay gacanta ugu dhigaan cayaarta.

Phil Foden wuxuu ahaa mid gool dhalin karay 45ka daqiiqo ee qeybta hore cayaarta laakiin waxaa si cajiib ah u beeniyay taakalkii ugu dambeeyay ee Antonio Rudiger.

Kevin De Bruyne, Riyad Mahrez iyo Foden waxaa ku xanibmay tamarta sare ee Chelsea maadaama si adag loo raacayay. Raheem Sterling, oo si layaableh loogu soo daray shaxda ayaa waxaa qaboojiyay xawaaraha iyo hamuunta Reece James.

Kevin de Bruyne: Manchester City lose midfield star to injury in second  half of Champions League final | The Independent

Xitaa markii De Bruyne uu ilmeeyay kaddib dhaawac xun oo wajiga kasoo gaaray, Guardiola wuxuu u weecday Gabriel Jesus inuu ku beddelo. Kaliya iyada oo nus-saac ka hadhsan tahay ayna City eryanayaan ciyaarta, waxaana sidoo kale loo yeeray Fernandinho oo markuu soo galay cayaarta isaga iyo Gabriel Jesus ay soo bandhigeen qaab-cayaareed cajiib ah oo geesinimo leh markaasoo dad badan ay is weydiiyeen ‘bal yaa tamarta labadan siiya cayaaryahanada kale ee City?’

Beddelka Sergio Aguero ayaa maareyn kari waayey dhaqdhaqaaqyo halis ah inkastoo uu keliya hal mar tijaabiyay goolhaye Mendy balse kuma filneyn taasi waxaana si aan wanaagsaneyn kusoo idlaaday sheeko xariirooyinkiisii Manchester City kaddib 10 sano oo uu joogay kooxda.

Guardiola waa laga yaabaa inuu yahay tababaraha ugu wanaagsan kubbada-cagta…. ma oran karnaaa siddaas? malaha, balse xalay ma’ahayn habeen la amaani karay.

Tababare Pep wuxuu had iyo jeer sheegi jiray in City ay ka maqneyd qibradda Champions League-ga, ayna waqti ku qaadaneyso inay ku biiraan kooxaha ugu waa weyn ee Tartamada Yurub.

Inkastoo tartankoodii sannadkan uu wacdaro lahaa iyagoo ku guuleystay 11 kamid ah 12 kulan oo ay cayaareen waxay muujiyeen inay xaqiiqdii ka tirsan yihiin kuwa ugu sarreeya balse weli waxbaa u dhiman. ‘malaha aanu orano markale isku soo daya fiinaal kale’ … waa iska kaftan!.. Nabadeey.

Abdihakim Olad

Read Previous

Tottenham Oo Xiiseeyneysa Gabriel Jesus

Read Next

XASAASI: Juventus Oo Dooneeysa Inay Pogba, Ronaldo Dhaafsato!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?