Marseille Oo La Wareegeysa Guendouzi

Kooxda kubbad-cagta Marseille ee dalka Faransiiska ayaa xiriir la sameeysay kooxda Arsenal oo ku aadan saxiixa Matteo Guendouzi kaas oo xill-cayaareedkan amaah ku qaatay kooxda Hertha Berlin SC ee dalka Jarmalka.

Guendouzi ayaa xilli-cayaareed wanaagsan ku qaadanayay horyaalka Bundesliga ololahan balse dhaawac weyn ayaa soo gaaray kaddib markii ay lugta ka jabtay billowgii xilli-cayaareedkii dhowaan dhammaaday.

Daabacaadda Faransiiska ee L’Equipe ayaa warinaysa in Guendouzi uu heshiis la gaaray Marseille isagoo dib ugu laabanaya Faransiiska, halkaasoo xirfadiisa uu kasoo bilaabay kooxda Lorient.

Guendouzi wuxuu usoo dhaqaaqay Arsenal sannadkii 2018, waxaana uu boos joogto ah ka helay macalinkii Arsenal ee waqtigaas Unai Emery, laakiin wuxuu hoos uga dhacay dooqa xulashada tan iyo markii uu yimid Mikel Arteta taas oo dhalisay in waqti cayaareed uu ka raadsado meel ka baxsan garoonka Emirates xilli-cayaareedkii dhowaan soo idlaaday.

Guendouzi ayaa wacdaro dhigay markii uu 24 kulan u saftay kooxda Hertha Berlin SC ee Bundesliga, kahor inta uusan lugta ka jabin taas oo ka sababtay inuu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman ololaha.

22 jirkaan ayaa diiwaan galiyay labo gool iyo seddex caawin intii uu la joogay kooxda.

Abdihakim Olad

Read Previous

Kante Oo Heshiis Cusub U Saxeexaya Chelsea

Read Next

Tottenham Oo Xiiseeyneysa Gabriel Jesus

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?