Kante Oo Heshiis Cusub U Saxeexaya Chelsea

Kubadda-cagtu waa is-xigsasho mararka qaar wayna adagtahay in la helo cayaaryahan qof kastaaba ixtiraamo, sidoo kalena way adag tahay in la helo qof beni-aadam ah oo caqli gal ah oo aan boos jilicsan u haynin N’Golo Kante, xitaa haddii aanu taageerin kooxda Chelsea.

Wuxuu wacdaro ka muujiyay guushii ay ka gaareen Man City xalay, marka la eego dhammaan wejiyada ciyaarta, waxaa dhabtii laga dheehanayaa inuu kamid ah sababihii ugu muhiimsanaa ee guusha.

Si abaalmarin looga dhigo bandhigaydiisa kooxda, cayaaryahanka heerka caalami u safta xulka qaranka Faransiiska N’golo Kante ayaa kooxdiisa Chelsea u saxeexi doona heshiis cusub oo waqti dheer goordhow, sida uu sheegayo Fabrizio Romano.

Bandhigii xalay ee Kante waxay kooxdiisa ka caawisay inay ku guulleeystaan Champions League-gii labaad ee taariikhdooda isaguna waxa uu sidoo kale guddoomay billada cayaaryahanka ugu wanaagsan garoonka- billad uu ahaantii u qalmay.

Abdihakim Olad

Read Previous

Aguero Oo Caafimaadka U Maraya Barcelona – Saacadaha Soo Aadan Baa Lagu Dhawaaqayaa

Read Next

Marseille Oo La Wareegeysa Guendouzi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?