Aguero Oo Caafimaadka U Maraya Barcelona – Saacadaha Soo Aadan Baa Lagu Dhawaaqayaa

Weeraryahanka xulka qaranka Argentina Sergio Aguero ayaa xalay kooxdiisa Manchester City u saftay kulan cayaareedkiisii ugu dambeeyay iyadoo ay guuldarro xanuun badan fiinaalka Champions League-ga kaga soo gaartay kooxda Chelsea.

Aguero ayaa horraan heshiis ula gaaray kooxda Barcelona ee dalka Spain waxaana lasii ogaa in kulankii xalay uu ahaa kulankiisii macsalaameeynta balse murug ayuu garoonka kala soo baxay.

Haddaba sida ay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan, Sergio Agüero ayaa ku sugnaan doona Barcelona saacadaha oo socda si uu tijaabada caafimaadka ugu maro. Qandaraas ku eg illaa Juun 2023 ayaa horey loo saxeexay. sidoo kale Eric Garcia ayaa isna lagu wadaa in lagu dhawaaqo goordhow. halka Heshiiska Gini Wijnaldum si rasmi ah loo dhamaystiri doono maalmaha soo aadan.

Aguero ayaa la xusuustaa mar wareysi laga qaadayay inuu sheegay inaanu ka tagaynin kooxda Manchester City asigoo aanan kula guulleeysan koobka Champions League-ga, fursaddii ugu dambeysay oo uu heystayna xalay kama aysan faaideeysan isaga iyo kooxdiisaba waxaana uu haatan isku diyaarinayaa cutubkiisa xiga ee waayihiisa cayaareed.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: Manchester City VS Chelsea | UCL FINAL

Read Next

Kante Oo Heshiis Cusub U Saxeexaya Chelsea

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?