XASAASI: Arsenal Oo Dalab Ka Gudbineysa Sterling


Gunners ayaa qorsheyneysa inay dalab lama filaan ah ka gudbiso garabka kooxda Manchester City Raheem Sterling,

Kooxda kubbada-cagta ee Arsenal ayaa dooneeysa inay dalab rasmi ah ka gudbiso xiddiga xulka Qaranka Ingiriiska ee Raheem Sterling waqtiyada soo aadan, sida ay Daily Mail ku warantay.

Gunners ayaa baahi weyn u qabta awood weerar oo qatar leh waxaana ay ahmiyadeeda u jeedineysaa haatan soo xero-gelinta Raheem Sterling kaddib markii ay ku hungoobeen saxiixii 72 milyan ee ginni ee Nicolas Pepe oo aan laga helin filashooyiinkii lagu fikirayay, Man City ayaana diyaar u ah inay iska iibiso Sterling.

Sida ay qortay Daily Mail, soo bixitaankii Phil Foden wuxuu caqabad ku noqday waqti cayaareedka Sterling ee sannadkan, taasoo u suurta gelineysa in macalin Pep Guardiola uu ka fiirsado iibkiisa.

Gunners ayaa ku dhammeysatay kaalinta sideedaad miiska kala-sarreynta ee Premier League-ga waxayna aad u dooneysaa xiddig awood badan oo ay safkeeda weerarka ku xoojiso.

Si kastaba ha ahaatee Gunners ayaa saxiixa Sterling tartan kala kulmi karta kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo labadoodaba muujiyay xiisaha ay in muddo ah u qabaan xiddigan.

Abdihakim Olad

Read Previous

DEG-DEG: Barcelona Oo Qarka U Saaran Saxiixa Daafac Reer Brazil

Read Next

Inter Oo Xaqiijisay Inzaghi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?