‘Si Deg-Deg Ah’ – Jose Mourinho Oo Doonaya Inuu Xhaka Keensado Roma

Sida laga soo xigtay football.london, Granit Xhaka ayaa laga yaabaa inuu ka tago Arsenal xagaagan madaama Roma ay “kalsooni ku qabto” saxiixa xiddigan heerka caalami ee dalka Switzerland.

Jose Mourinho kooxdiisii Roma ayaa kalsooni ku qaba inay Xhaka kasoo fogeyn doonaan Emirates kaddib markii uu 28 jirkan tilmaamay inuu doonayo inuu ka tago kooxda.

Warbixinta ay daabacday Football.London ayaa soo jeedineysa in Xhaka uu la dhacay fikradda ah inuu ka hoos ciyaaro Mourinho kaasoo uu ixtiraam weyn u hayo.

Waxaa lagu soo waramayaa inuu dareenkaas yahay mid ay ka simanyihiin iyadoo tababaraha reer Portugal sidoo kale uu “aad u jecel yahay” cayaaryahankan khadka dhexe.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u sheegtay Roma inay bixin doonaan dalabyo ka bilaabanaya 20 milyan oo ginni oo ku aadan saxiixa Xhaka, waxaana ay doonayaan inay heshiis kala gaaraan kahor Tartanka Qaramada Yurub ee xagaagan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Inter Oo Xaqiijisay Inzaghi

Read Next

DEG-DEG: Iska Illoow Sterling, Arsenal Waxay Sidoo Kale Dooneeysa Riyad Mahrez Xilli City Ay Diyaar U Tahay Inay Labaduba Iibiso!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?