Real Ayaa Go’aansaneysa Meesha Uu Aadayo – Saxiixa Achraf Hakimi Oo Laysku Heysto Iyadoo PSG Ay Haatan Kusoo Biirtay Loolanka

Kooxda Ligue 1 ka dhisan ee Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay bartilmaameedsaneyso ciyaaryahanka kooxda Inter Achraf Hakimi.

Paris Saint-Germain ayaa dooneysa inay la soo saxiixato daafaca buuxa ee kooxda Inter Achraf Hakimi, sida laga soo xigtay Fabrizio Romano.

Inter ayaa ku guuleysatay Serie A sannad cayaareedka 2020-21 laakiin waxa ay isku arkeen xaalad dhaqaale oo adag sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus, iyadoo tababaraha kooxda Antonio Conte uu durbaba doortay inuu baxo.

Hakimi, Romelu Lukaku, Lautaro Martinez iyo Alessandro Bastoni ayaa lagu soo waramayaa in la iibin karo si loo yareeyo culeyska dhaqaale ee San Siro.

PSG ayaa la rumeysan yahay inay xiiseyneyso Hakimi, inkastoo Inter ay dalbaneyso in ka badan 60 milyan ginni oo ku aadan saxiixa 22 jirkan, kaasoo kaliya kaga soo biiray Real Madrid billowgii xilli ciyaareedkan.

Madrid ayaa xaq u leh diidmada ugu horreysa waxayna la jaan qaadi kartaa dalab kasta oo lagasoo gudbiyo daafaceedii hore, halka Bayern Munich iyo Chelsea sidoo kale lala xiriirinayo xiddigan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Gundogan Oo Laga Baqayo Inuu Dhaawac Ku Seego UCL Final

Read Next

Juve Oo Xaqiijisay Allegri Kaddib Bixitaanka Pirlo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?