Juve Oo Xaqiijisay Allegri Kaddib Bixitaanka Pirlo

Kooxda kubbada-cagta ee Juventus ayaa xaqiijisay inuu tababaraheedii hore ee Massimiliano Allegri soo laabtay kaddib markii uu ka tagay tababare Andrea Pirlo.

Pirlo ayaa jimcihii ka tagay kooxda ka dhisan Turin kaliya sagaal bilood kaddib markii uu saxiixay heshiis labo sano ah oo uu leylinta kooxda kala wareegay Maurizio Sarri.

Kubbadsameeyihii hore ee kooxda Cajuusada iyo xulka Talyaanjga ayaa ku guuldarreystay inuu ka soo baxo wixii laga filayay tababare ahaan taas oo dhalisay in Juventus ay si lama filaan ah ku soo afjarto xukunkiisa.

Bianconeri ayaa waqti yar ku lumisay inay daaha ka rogto in Allegri uu kusoo noqday kursiga tababaraha kooxda weyn ee ka ciyaarta horyaalka Serie A, kuwaas oo Inter ay ka xayuubisay inay hantaan horyaalnimada Talyaaniga.

Allegri, oo lala xiriirinayay kooxaha Inter iyo Real Madrid ka hor inta uusan ogolaanin inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore, ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu soo afjaray shaqadiisii guulaha weyn ee uu la qaatay Juventus laba sano ka hor.

53 jirkaan ayaa ku guulleeystay shan jeer oo isku xigta oo Scudetto ah (Seria A) markii horre ee uu kooxda leylinayay, kooxdiisuna afar jeer ayey qaadday Coppa Italia.

Laakiin Juve ayaa lagu garaacay finalka Champions League iyadoo Allegri uu hogaaminayo sannad-cayaareedyadii 2014-15 iyo 2016-17.

Abdihakim Olad

Read Previous

Real Ayaa Go’aansaneysa Meesha Uu Aadayo – Saxiixa Achraf Hakimi Oo Laysku Heysto Iyadoo PSG Ay Haatan Kusoo Biirtay Loolanka

Read Next

DEG-DEG: Barcelona Oo Qarka U Saaran Saxiixa Daafac Reer Brazil

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?