Inter Oo Xaqiijisay Inzaghi

Kooxda heysta horyaalnimada Talyaaniga ee Inter ayaa si rasmi ah u shaqaaleysiisay tababare Simone Inzaghi oo dhowaan ka tegay shaqadakooxda Lazio, sida ay qortay Sky Sport Italia.


Heshiiska ayaa si weyn loo soo hadalhayay in lagu guda jiro balse haatan waxaa la arkaa in la dhammeeystiray.

Inzaghi ayaa beddeli doona Antonio Conte oo kooxda ku hoggaamiyay horyaalka Serie A.

Conte waxaa lala xiriirnayaa shaqada tababarenimo ee kooxaha Real Madrid iyo Tottenham oo boosaskaas iney buuxiyaan raadinaya kaddib markii ay iska ceyriyeen Zinedine Zidane iyo Jose Mourinho.

Abdihakim Olad

Read Previous

XASAASI: Arsenal Oo Dalab Ka Gudbineysa Sterling

Read Next

‘Si Deg-Deg Ah’ – Jose Mourinho Oo Doonaya Inuu Xhaka Keensado Roma

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?