DEG-DEG: Iska Illoow Sterling, Arsenal Waxay Sidoo Kale Dooneeysa Riyad Mahrez Xilli City Ay Diyaar U Tahay Inay Labaduba Iibiso!!

Kooxda Manchester City ayaa shaaca ka qaadday inay dooneysa inay iska iibiso xiddigaha Raheem Sterling iyo Riyad Mahrez xagaagan.

Warka ku saabsan helitaanka Sterling iyo Mahrez ayaa durbadiiba feejignaan geliyay dareenka kooxda Arsenal, iyadoo Mikel Arteta uu sheegay inuu xiiseynayo labada cayaaryahan isagoo sheegay inuu doonayo inuu kooxdiisa kusoo daro xiddigo tayo sarreeya oo ay aad ugu baahan yihiin.

Pep Guardiola ayaa ku fikiraya inuu kooxdiisa dib u cusbooneysiiyo suuqa kala-iibsiga ee soo aadan, wuxuuna tilmaamay in cayaaryahanno dhowr ah uu diyaar u yahay inuu iska fasaxo.

Cayaartooydaas waxaa hoggaaminaya Raheem Sterling oo xiiso waali ah ka helaya waqooyiga London.

Waxaan dhowaan idinla wadaagan in Gunners ay qorsheyneysa inay dalab lama filaan ah ka gudbiso Raheem Sterling iyagoo sidoo kale indhaha ku haya cayaaryahanka reer Algeria ee Riyad Mahrez sida ay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan.

Sterling iyo Mahrez ayaa fure u ahaa guulaha Manchester City sannadihii ugu dambeeyay balse waxay ku dhow yihiin iney soo gabagabeeyaan sheeka xariirkooda garoonka Etihad Stadium.

Abdihakim Olad

Read Previous

‘Si Deg-Deg Ah’ – Jose Mourinho Oo Doonaya Inuu Xhaka Keensado Roma

Read Next

Shaxaha Rasmiga Ah Ee Kulanka Manchester City VS Chelsea – Yaa Ku Billoowday, Yaase Keydka Galay?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?