DEG-DEG: Barcelona Oo Qarka U Saaran Saxiixa Daafac Reer Brazil

Barcelona ayaa ku sii dhowaaneysa inay la soo wareegto daafaca dambeedka middig ee reer Brazil Emerson, kaasoo Blaugrana ay wadaagaan Real Betis tan iyo bishii Janaayo 2019.

22 jirkaan ayaa si wanaagsan uga soo muuqday kooxda Andalusia waxaana uu haatan fursad u heli doonaa inuu isku muujiyo Camp Nou.


Xiddigan ayaa fure u ahaa kooxda Betis tan iyo markii uu usoo dhaqaaqay markaasoo labada koox ee ku xifaaltama La Liga ay bixiyeen Min $7 milyan si ay ugala soo wareegaan kooxda Atletico Mineiro oo uu waqtigaas ka tirsanaa.


Kooxda Barcelona ayaa haatan qarka u saaran inay dardar galiso dedaalada ay ku dooneyso inay kula wareegto mulkiiyadda dhammeystiran ee Emerson iyagoo keliya bixinaya $11 Milyan.

Barcelona ayaa ku wargalisay Betis rabitaankooda xiddigan Khamiistii, sida ay shabakadda Goal sheegeyso.


Blaugrana ayaa lagu wadaa inay la kulanto wakiilada Emerson isbuuca soo socda iyagoo doonaya inay dhammeystiraan heshiiskan.

Haddii ay helaan Emerson Barcelona waxay heystaan Sergino Dest oo isna dambeedka middig ka xamaasha waxaana ay haatan u muuqataa inay raadineyso iibka Sergi Roberto, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo aadan.


Emerson ayaa dhanka kale looga yeeray xulka qaranka Brazil kulamada isreebreebka koobka adduunka ee bisha June ay la ciyaarayaan Ecuador iyo Paraguay, isagoo badalay Dani Alves oo dhaawac ku maqnaa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Juve Oo Xaqiijisay Allegri Kaddib Bixitaanka Pirlo

Read Next

XASAASI: Arsenal Oo Dalab Ka Gudbineysa Sterling

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?