XASAASI: Man United Oo Dooneeysa Inay De Gea Dhaafsato Oblak

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay David de Gea dib ugu celiso kooxdiisii hore ee Atletico Madrid si ay u hesho Jan Oblak.

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa inay kooxda Atletico Madrid la gaarto heshiis isku badalasho ah oo ay ka qayb qaadanayaan goolhayahooda David de Gea iyo midka kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak sida ay qortay The Sun.

Mustaqbalka De Gea ayaan shaki ku jiray tan iyo markii Dean Henderson uu qandaraaska u kordhiyay United muddo dheer, waxaase ugusii wacan gool-ku-laadkii uu qasaariyay fiinaalkii Europa League oo u sahashay kooxda Villareal inay ku guulleeysato.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain De Gea ayaa United kaga soo biiray Atletico sannadii 2011kii, Red Devils ayaana diyaar u ah inay u soo bandhigto kooxda La Liga inay markale la middeeyso.

Abdihakim Olad

Read Previous

Miyey Soo Laabashada Allegri Ee Juve Soo Afjareysaa Waayaha Ronaldo Ee Bianconeri?

Read Next

SUUQA-MAANTA: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala-Iibsiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?