XASAASI: Liverpool Oo Qarka U Saaran Saxiixa Ibrahima Konate – Heshiis Ayay La Gaareen

The Reds ayaa lala xiriirinayay dambeedka-dhexe ee kooxda RB Leipzig in muddo ah waxayna haatan diyaar u yihiin inay lacag badan ku bixiyaan saxiixiisa.

Liverpool ayaa kicisay lacagta lagu burburin karo qandaraaska Ibrahima Konate ee RB Leipzig, Shabakadda Goal ayaa xaqiijisay, iyadoo shan sano oo qandaraas ah ay kula heshiiyeen daafacan reer Faransa.

22 jirkaan ayaa in badan lala xiriirinayay Reds muddooyinkii ugu dambeeyay, laakiin haatan wuxuu ku sugan yahay boos uu ku riixo inuu lacag badan ugu dhaqaaqo cariga magaalada Liverpool.

Qandaraas waqti dheer ah ayaa lagula heshiiyey daafacan aadka loo qiimeeyo waxaana heshiiska lagu soo gabagabeyn karaa maalmaha soo socda.

Qandaraaska lagu sii deyn karo Konate ee Leipzig ayaa ku kacaya in ka badan $ 50 Milyan, iyadoo Liverpool ay diyaar u tahay inay maalgelin xoog leh ku sameyso adeegga xiddigan.

Dhammaan waraaqihii ku habboonaa ayaa hadda la hayaa, kaliya in lakala saxiixdo ayaa ka dhiman.

Tijaabada caafimaadka ayaa sidoo kale loo baahnaan doonaa in la dhammeystiro, waxaana la filayaa in wax walba lagu soo idleeyo todobaadyaa soo aadan.

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Juventus Oo Xaqiijisay Bixitaanka Pirlo Kahor Inta Uusan Kusoo Laaban Allegri

Read Next

Miyey Soo Laabashada Allegri Ee Juve Soo Afjareysaa Waayaha Ronaldo Ee Bianconeri?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?