RASMI: Liverpool Oo La Wareegtay Ibrahima Konate

Kaddib xilli ciyaareed ay dhaawacyo hareeyeen daafacyadooda dhexe, kooxda Liverpool ayaa lasoo wareegtay Ibrahima Konate si ay isagu xoojiyaan.

Liverpool ayaa xaqiijisay inay la soo saxiixatay daafac Ibrahima Konate ay kala soo wareegeen kooxda RB Leipzig.

Daafacan dhexe ayaa qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah oo uu ugu dhaqaaqayo Anfield kaddib markii kooxda ka dhisan Premier League ay bixisay lacagtii lagu burburinayay qandaraaskiisa, kaasoo lagu soo waramayo inuu ku kacayo 36 milyan oo ginni.

Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip ayaa muddo dheer ka maqnaa Jurgen Klopp, kaas oo ku tiirsanaa cayaartooyda aan khibrada lahayn ee Nathaniel Phillips iyo Rhys Williams intii lagu jiray tartanka horyaalka iyadoo Liverpool ay si xoogan u dhammaystirtay inay xaqiijiso afarta sare ee loogu soo baxayo tartanka Uefa Champions League.

Abdihakim Olad

Read Previous

SUUQA-MAANTA: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala-Iibsiga

Read Next

Rasmi: Alaba Oo Ku Biiray Real Madrid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?