RASMI: Juventus Oo Xaqiijisay Bixitaanka Pirlo Kahor Inta Uusan Kusoo Laaban Allegri

Bianconeri ayaa macsalaameyn doonta halyeeyga kooxda kaddib hal xilli ciyaareed oo uu hoggaanka u hayay, iyadoo waji caan ah uu kabaha kabaha kala bixi doono.

Kooxda Kubbad-cagta ee Juventus ayaa xaqiijisay in tababare Andrea Pirlo uu ka tagi doono kooxda kaddib hal xilli ciyaareed oo uu tababare u ahaa, iyadoo wadada loo furay haatan tababarihii hore ee kooxda Massimiliano Allegri si uu ugu laabto magaalada Turin.

Shabakadda Goal ayaa ogaatay khamiistii in waji caan ah{Allegri} – kaasoo horay kooxda ugu hoggaamiyay shan horyaal oo Serie A uu buuxin doono booska uu baneenayo Pirlo.

Pirlo wuxuu ku taagnaa hal lug waxaana uu ku adkaystay maaraynta xilli-cayaareedka kooxda isagoo ku hoggaamiyay afarta sare ee horyaalka, oo ay weheliso guushii Coppa Italia, balse intaas kuma filnaan si uu usii hayo booska leylinta naadiga Bianconeri.

MAXAA LA YIRI?

Bayaan lagu soo daabacay bogga rasmiga ah ee Juve ayaa lagu yiri: “Mahadsanid, Andrea.”

“Kuwani waa ereyadii ugu horreeyay ee aan dhammaanteen u baahanahay inaan niraahno dhammaadka waaya-aragnimadan gaarka ah ee wadajirka ah”

”Geesinimada, u huritaanka kooxda, hamiga uu muujiyo maalin kasta, mahadcelinteena ayaan u heynaa Maestro, Coach iyo Andrea, taas oo runtii ka timaaday qalbiga. Sidoo kale waxaan u rajayneeynaa nasiibkeena wanaagsan ee mustaqbalka taas oo xaqiiqdii noqon doonta mid cajiib ah. “

Abdihakim Olad

Read Previous

Zinedine Zidane Oo Ka Tagaya Real Madrid – Waa Kee Tababaraha Beddelaya?

Read Next

XASAASI: Liverpool Oo Qarka U Saaran Saxiixa Ibrahima Konate – Heshiis Ayay La Gaareen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?