Gundogan Oo Laga Baqayo Inuu Dhaawac Ku Seego UCL Final

Gooldhaliyaha ugu sarreeya Manchester City xilli-cayaareedkan, Ilkay Gundogan, ayaa ku dhaawacmay tababarka maalin kahor finalka Champions League ee habeen dambe ah.

Ilkay Gundogan ayaa la saaray kahor inta uusan dhammaan tababarkii Manchester City kahor finalka Champions League-ga habeen dambe ee ay Chelsea kula cayaarayaan garoonka kooxda Porto ee dalka Portugal.

Kulankaan ayaa lagu balansanaa in lagu cayaaro garoonka Atatürk Olympiat Stadium ee magaalada İstanbul balse waxaa loo wareejiyay magaalada Lisbon maadaama walaac uu kasoo yeeray arrimo la xiriira kiisaska badan ee Korona Virus ee dalka Turkiga.

Kulankii tababarka ee kooxda City ee garoonka Estadio do Dragao ayaa sii socday kaddib maqnaanshiyaha cayaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka, iyadoo tababare Pep Guardiola uu ilaalinayo jugta dhaawac ee kasoo gaaray aalmiintada oo saameyn ku yeelatay cayaartiisa garoonkana laga saaray balse ma ahanayn markaas sabab weyn oo walaac laga muujin karay sida laga soo xigtay qaar ka tirsan shaqaalaha caafimaad ee kooxda, haatanse waxaa la is weeydiinayaa inta uu gaarsiisanyahay dhaawiciisa iyadoo ay jirto cabsi ah inuu seego fiinaalka habeen dambe.

30 jirkaan ayaa door muhiim ah ka qaatay City inay dib u hanato Premier League iyo inay sii heysato EFL Cup xilli ciyaareedkan, inkastoo uu ahaa beddel aan la isticmaalin kulankii isbuucii hore ay 5-0 kaga badiyeen Everton kaddib markii la bedelay xilli uu dhaawac jilibka kasoo gaaray guuldarradii 3 -2 ee Brighton iyo Hove Albion.

Dhammaan xubnaha kale ee kooxda koowaad ee Guardiola waa la tababaray, iyadoo aysan jirin wax walwal ah oo dhanka taam ahaanshaha ah oo uu tababaruhu ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta habeen dambe kahor.

Abdihakim Olad

Read Previous

Rasmi: Alaba Oo Ku Biiray Real Madrid

Read Next

Real Ayaa Go’aansaneysa Meesha Uu Aadayo – Saxiixa Achraf Hakimi Oo Laysku Heysto Iyadoo PSG Ay Haatan Kusoo Biirtay Loolanka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?