Zinedine Zidane Oo Ka Tagaya Real Madrid – Waa Kee Tababaraha Beddelaya?

Kooxda kubbada-cagta ee Real Madrid ayaa xaqiijisay in macalinkeeda Faransiiska ah ee Zinedine Zidane uu go’aansaday inuu iska casilo shaqada tababarenimo ee kooxda, inkastoo ay 12 bilood uga harsantahay qandaraaskiisa kooxda.


Shabakadda Goal ayaa ogaatay rabitaanka ee ah inuu ka dhaqaaqo kooxda bartamihii bishii May, iyadoo hadda daaha ka qaadsay inuu xiriirka u jari doono kooxda ka dhisan caasimada Spain.


Zidane ayaa macsalaameynaya Los Blancos markii labaad, kaddib markii uu koobab waa weyn ka usoo hoyay kooxda labada goor ee uu hogaaminayay.

Maxaa la yiri?

Kooxda ka dhisan La Liga ayaa ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay website-keeda rasmiga ah:

“Real Madrid waxa ay ku dhawaaqeysaa in Zinedine Zidane uu go’aansaday inuu soo gabagabeeyo waayahiisa haatan ee kooxdeena.”


“Waxaa la joogaa waqtigan xilli ay tahay in la ixtiraamo go’aankiisa oo aan tusno sida aan ugu qanacsan nahay xirfaddiisa, u heellanidiisa iyo xamaasaddiisa kooxda sannadahan oo dhan, iyo waxa uu u matalayo Real Madrid.”

Yaa Beddelaya Zidane?

Massimiliano Allegri ayaa ahaa xulashada la doorbiday ee guddiga Real si ay ugu geliyaan kabaha uu iska bixinayo Zidane. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku laabanayaa kooxdiisii hore ee Juventus labo sano kaddib markii uu ka tagay, isagoo shan jeer ku guuleystay horyaalka Serie A.


Taasi waxay ku qasbeysaa Los Blancos inay raadsadaan tababareyaal kale, iyadoo ay weli jiraan xulashooyin badan oo ay ku fikirayaan.

Waxaa kamid ah Joachim Low oo qarka u saaran inuu ku soo galo suuqa, iyadoo ku guuleystihii Koobkii Adduunka ee 2014kii uu ka tagayo shaqada tababarenimo ee xulka Jarmalka kaddib Koobka Qaramada Yurub ee xagaagan.

Waxaa sidoo kale suuragal ah in tababaraha kooxda heerka 2aad ee Real ahna halyeeygii hore ee kooxda Raul loosoo dalacsiiyo heerka labaad oo lagu beddelo Zidane oo isna si siddaas lamid ah kusoo baxay.

Abdihakim Olad

Read Previous

Hansi Flick Oo Loo Doortay Tababaraha Xulka Jarmalka

Read Next

RASMI: Juventus Oo Xaqiijisay Bixitaanka Pirlo Kahor Inta Uusan Kusoo Laaban Allegri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?