Donnarumma Oo Juventus Ku Biiraya Iyo Milan Oo Beddelkiisa Heshay

Gianluigi Donnarumma ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ka tago Milan, kuwaasoo doonaya inay keenaan goolhayaha Lille Mike Maignan.

Mike Maignan ayaa qarka u saaran inuu tijaabada caafimaadka u maro Milan iyadoo Gianluigi Donnarumma uu ku dhow yahay inuu ku biiro Juventus, sida ay sheegayaan warar baahsan.

Donnarumma ayaa qarka u saaran inuu noqdo wakiil xor ah, goolhayahan ayaan wali saxiixin heshiis cusub oo uu kooxda Rossoneri ku joogayo taasoo usoo baxday Champions League-ga markii ugu horreeysay muddo 8 sanno ah.

Gianluca Di Marzio ayaa warinaya in Milan aysan hadda sugeynin Donnarumma maadaama ay xoojinayaan baacsiga Maignan, kaasoo imaan doona Talaadada kaddib markii uu Lille ka caawiyay hanashada Ligue 1.

Abdihakim Olad

Read Previous

Edouard Mendy Miyuu Seegayaa Fiinaalka Champions League-ga?

Read Next

Suuqa:Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala-iibsiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?