Suuqa: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Suuqa Kala-iibsiga

  • Wariyaha reer Talyaani ee Fabrizio Romano ayaa sheegaya in David Alaba uu ku biirayo Real Madrid iyadoon loo eegin mustaqbalka Zinedine Zidane. Alaba ayaa dhammeystirtay oo ogolaaday heshiis horudhac ah oo uu la gaaray kooxda Los Blancos.
  • Le10Sport ayaa sheegeysa in kooxda Paris Saint-Germain ay u qaabeysaneyso inay tahay kooxda ugu cadcad saxiixa ciyaaryahanka qadka dhexe uga ciyaara Liverpool Georginio Wijnaldum halkii ay ka heli laheyd Barcelona oo aan weli dalab ka gudbinin ciyaaryahanka reer Holland.
  • Barcelona ayaa miisaameysa inay lasoo wareegto daafaca reer Jarmal ee Atalanta Robin Gosens, sida ay qortay Diario Sport.
  • Milan ayaa raadineysa inay Fikayo Tomori kala soo wareegto Chelsea heshiis joogto ah, iyadoo ku iibineysa 28 milyan oo ginni, ayuu yiri Fabrizio Romano.
  • Arsenal ayaa ka hartay loolanka loogu jiro ciyaaryahanka kooxda Brighton Yves Bissouma, taasoo sare u qaaday rajada Liverpool ee ku aadan saxiixiisa.
  • Leicester City ayaa ugaarsi ugu jirta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sassuolo Jeremie Boga, oo ku biiraya tartanka iyadoo ay wehliyaan Atalanta iyo Napoli, sida laga soo xigtay Calciomercato

Abdihakim Olad

Read Previous

Koeman Oo Kulan La Yeelanaya Madaxweynaha Barca – Miyuu Sii Joogayaa Mise Waa La Ceyrinayaa?

Read Next

Ramos Oo Laga Reebay Xulka Spain Ee Euro-ga – Yaa Ku Jira?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?