Ramos Oo Laga Reebay Xulka Spain Ee Euro-ga – Yaa Ku Jira?

Real Madrid inta badan ma awoodin inay ku tiirsanaato Sergio Ramos xilli ciyaareedkan, isaguna ma aadi doono Tartanka Qaramada Yurub.

Kabtanka xulka qaranka Spain ee Sergio Ramos ayaan lagu soo darin xulka Luis Enrique ee Euro 2020 kaddib dhaawacii uu ku dhibtooday xilli ciyaareedkan 2020-21.

Aymeric Laporte, oo kaliya bishaan daacad u noqday France iyo Spain, ayaa ka mid ah daafacyada dhexe ee laga doorbido halyeeygan.

Ramos wuxuu ka mid ahaa xulkii ku guuleystay seddex koob oo isku xigta oo waa weyn intii u dhaxeysay 2008 iyo 2012, waxaana uu ahaa nin muhiim u ah kooxda iyo wadankaba tan iyo markii uu jabiyay goolhaye Gianluigi Buffon.

35 jirkaan ayaa calaamadda kabtannimo ee xulka Spain u soo haayay qarankiisa in dhowr ah laakiin wuxuu ciyaaray kaliya 50 daqiiqo kulamadii isreebreebka Koobka Adduunka ee bishii Maarso ee ay la ciyaareen Greece iyo Kosovo kahor inta uusan ku soo laaban Madrid isagoo dhaawac ah.

Ramos ayaa lagu soo koobay 21 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, isagoo seegay 31 kulan.

Waxaa xusid mudan, tababarihii hore ee Barcelona Luis Enrique ma uusan magacaabin hal ciyaartoy oo Madrid liiska cayaartooydiisa Tartanka Qaramada Yurub ee maanta la shaaciyay.

Halkan hoose ka eeg liiska oo dhammeystiran

Unai Simon (Athletic Bilbo), David De Gea (Manchester United), Robert Sanchez (Brighton and Hove Albion); Jose Gaya (Valencia), Jordi Alba (Barcelona), Pau Torres (Villarreal), Aymeric Laporte (Manchester City), Eric Garcia (Manchester City), Diego Llorente (Leeds United), Cesar Azpilicueta (Chelsea); Marcos Llorente (Atletico Madrid), Sergio Busquets (Barcelona), Rodri (Manchester City), Pedri (Barcelona), Thiago Alcantara (Liverpool), Koke (Atletico Madrid), Fabian Ruiz (Napoli); Dani Olmo (RB Leipzig), Mikel Oyarzabal (Real Sociedad), Alvaro Morata (Juventus), Gerard Moreno (Villarreal), Ferran Torres (Manchester City), Adama Traore (Wolves), Pablo Sarabia (Paris Saint-Germain)

Abdihakim Olad

Read Previous

Suuqa: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Suuqa Kala-iibsiga

Read Next

Edouard Mendy Miyuu Seegayaa Fiinaalka Champions League-ga?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?