PSG Ma’aha – Lille Ayaa Ku Guulleeystay Horyaalka Ligue 1

Lille ayaa ku guuleysatay horyaalkeedii ugu horreeyay ee Ligue 1 muddo toban sanno ah Axaddii, iyagoo garaacay Angers si ay u hubiyaan inay ku dhammaysteen meel ka sarreysa kooxda horyaalka difaacaneysa ee PSG.

Lille ayaa loo caleemo saaray horyaalnimada Ligue 1 Axadii markii ay hal dhibic ka qaadeen Paris Saint-Germain.

Kooxda Christophe Galtier ayaa 2-1 kaga badisay kooxda Angers si ay u xaqiijiso inay ku dhameysatay kaalinta koowaad ee ololaha 2020-21.

Waa horyaalkii afarraad ee Lille ee rasmi ah waana koodii ugu horreeyay tan iyo 2010-11, markii Eden Hazard loo magacaabay ciyaaryahanka sannadka ee tartanka.

83da dhibcood ee Lille ay horyaalka ku qaadday ayaa ah tan ugu fiican taariikhdooda waxaana laga badiyay kaliya seddex kulan xilli ciyaareedka oo dhan, kii ugu dambeeyay wuxuu ahaa bishii Maarso oo ay wajaheen Nimes.

Waa horyaalkii ugu horreeyay ee Galtier ee Ligue 1 isagoo tababare ah, iyadoo kulankii shalay uu ahaa kii ugu dambeeyay ee uu kooxda la qaato kahor inta uusan qaban Nice.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Lasoo Wareegeysa Weeraryahanka Kooxda Fiorentina

Read Next

Koeman Oo Kulan La Yeelanaya Madaxweynaha Barca – Miyuu Sii Joogayaa Mise Waa La Ceyrinayaa?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?