Koeman Oo Kulan La Yeelanaya Madaxweynaha Barca – Miyuu Sii Joogayaa Mise Waa La Ceyrinayaa?

Ronald Koeman wuxuu la kulmi doonaa madaxweynaha Barcelona Joan Laporta todobaadkan si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa kooxda.

Tababaraha kooxda Barcelona ayaa la fariisan doona madaxweynaha Barcelona Joan Laporta isbuucaan si loo kala caddeeyo inuu kooxda sii joogayo muddo kale iyo in kalw, sida ay qortay Diario Sport.

Koeman waxaa magacaabay madaxweynihii hore ee kooxda Josep Maria Bartomeu isagoo kooxda u saxeexay heshiis labo sanno ah bishii Ogoosto ee sannadkii hore.

Laporta sidoo kale waxay u badan tahay inuu ku wargaliyo tababaraha reer Holland inuu iibiyo ilaa 10 ciyaartoy si ay ugu maalgeliyaan qorshahooda suuqa kala iibsiga ee xilli ciyaareedka dambe.

Barcelona ayaa lala xiriirinayay xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Sergio Aguero, Erling Haaland iyo Georginio Wijnaldum xilli ciyaareedkan.

Abdihakim Olad

Read Previous

PSG Ma’aha – Lille Ayaa Ku Guulleeystay Horyaalka Ligue 1

Read Next

Suuqa: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Suuqa Kala-iibsiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?