Edouard Mendy Miyuu Seegayaa Fiinaalka Champions League-ga?

Tababaraha kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa qirtay inuu sameyn doono ‘wax walba oo macquul ah’ si uu u hubiyo in Edouard Mendy uu taam u yahay finalka Champions League-ga kaddib markii goolhayahan uu dhaawac kasoo gaaray feeraha kulankii axadda ee guuldarrada 2-1 ka soo gaartay Aston Villa.

Mendy ayaa ku dhacay birta goodha isagoo isku dayaya inuu badbaadiyo kubbad ku wajahneyd dhanka goosha daqiiqadii 43-aad ee furitaanka cayaarta, inkastoo uu sii waday ilaa iyo qeybtii hore, balse go’aan ayaa la qaatay oo waxaa badalay Kepa Arrizabalaga nasiinada kaddib.

Waxay taasi ku dhalisay Chelsea inay dhidido maadaama ay heystaan kaliya shan maalmood si ay isagu diyaariyaan finalka Champions League-ga oo ay la cayaarayaan kooxda Manchester City 29ka bishan, Tuchel ayaana qirtay ciyaarta kaddib inuu ka walwalsan yahay taam ahaanshaha Mendy.

“Wuxuu ku dhacay birta. Feeraha wuxuu ka dareemayaa xanuun weyn,” ayuu yiri Tuchel oo u waramay BBC Sport.

“Haddii ay macquul tahay waxaan u baahanahay inaan dedaalbo oo aan sameyno wax walba, sidaas darteed wuxuu ku jiraa goolka Sabtida.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Ramos Oo Laga Reebay Xulka Spain Ee Euro-ga – Yaa Ku Jira?

Read Next

Donnarumma Oo Juventus Ku Biiraya Iyo Milan Oo Beddelkiisa Heshay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?