Chelsea: Kepa, Abraham & Lacag Kaash Ah Ayay Ku Beddelanayaan Harry Kane

Chelsea ayaa bilaabeysa heshiis cayaaryahan iyo lacag kaash ah oo ay Kane ugala soo wareegeyso Tottenham kaasoo ay qeyb ka yihiin goolhaye Kepa Arrizabalaga iyo weeraryahan Tammy Abraham, sida ay qortay ESPN.

Shalay ayaan idiinla wadaagnay warbixin sheegeysay in Chelsea iyo Manchester United ay ku fikirayaan heshiisyo isdhaafsi ah, dhanka Chelsea-na sida ay saadaashu ahayd waxay haatan dardar gelinayaan heeshiis lacag kaash ah, Tammy Abraham iyo Kepa Arrizabalaga oo ay usoo bandhigayaan kooxda Tottenham ay uga soo qaataan weeraryahan Harry Kane.

Goolhayaha Spurs Hugo Lloris ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda, sidaas darteed waxaa soo jiitay Kepa oo keydka u galay goolhaye Edouard Mendy, halka Abraham, oo aan boos joogto ah ka helin Blues, uu gacan ka geysan karo buuxinta booska uu banneenqyo Kane.

Kane ayaa qandaraas kula jira Tottenham seddex xilli ciyaareed oo kale, Spurs ayaana la rumeysan yahay inay dooneyso lacag dhan 150 milyan oo ginni, sidaas darteed ku darista cayaartoydan waxay hoos u dhigeysaa tiradaas oo noqon karta heer la awoodi karo.

Koobab la’aan ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeyso sheegashada Kane ee ah inuu doonayo inuu ka dhaqaaqo kooxda, iyadoo kooxaha doonaya ay yihiin Manchester City, Manchester United iyo Chelsea.

COVID ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay billaabashadiisa wuxuu aad u saameeyay dhaqaalaha naadiyada caalamka, taas ayaa keeneysa in kooxaha qaar ay yeeshaan hal abuur si ay u fusho dukaameeysigooda suuqa kala-iibsiga.

Abdihakim Olad

Read Previous

“Lewandowski Wuu Ka Fiicanyahay Messi iyo Ronaldo” – Rummenigge

Read Next

Arsenal Oo Lasoo Wareegeysa Weeraryahanka Kooxda Fiorentina

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?