Ma Dalxiis…!!? – Lionel Messi Oo Sabab Layaab Leh Ku Seegaya Kulanka Ugu Dambeeya Ee La Liga

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa seegi doona kulanka ugu dambeeya ee Barcelona ee xilli ciyaareedkan ee horyaalka LaLiga.

Balse sababta layaabka leh ee uu u seegi doono kulanka ay berrito la yeelanayaan kooxda Eibar ayaa adiguba kaa yaabin karta.

Kooxda ayaa xaqiijisay in kabtankooda la siiyay ogolaansho uu ku bilaabanayo fasaxiisa xagaaga kahor inta uusan bilaabin u diyaar garowga Copa America ee Argentina.

Cayaaryahanka khadka dhexe ee Pedri ayaa sidoo kale ka tagi doona ciyaarta Ipurua kaddib xilli ciyaareed xamaasad leh, iyadoo Barca aysan awoodin inay ku dhammeysato meel ka sarreysa booska saddexaad ee horyaalka.

Messi ayaa cayaaray dhammaan kulamada kooxda marka laga reebo labo kamid ah kulamadii Barca ee horyaalka ee xilli ciyaareedkan sii dhammaanaya ee 2020-21, isagoo saftay 47 kulan tartamada oo dhan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Bartilmaameedka Arsenal Ee Booska Xulka Argentina Kala Baxay Dybala

Read Next

ISDHAAFSI: United Iyo Chelsea Oo Cayaaryahanno Usoo Bandhigay Spurs Si Ay U Helaan Kane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?