Kane Oo Doortay Inuu City Ku Biiro

Harry Kane ayaa lagu soo waramayaa inuu u aqoonsaday Manchester City inay tahay meesha uu doorbidayo kaddib markii uu ku wargaliyay Tottenham inuu doonayo inuu baxo.

Harry Kane ayaa u magacaabay Manchester City meesha uu doorbidayo wuxuuna aaminsan yahay inuu heshiis afka ah la gaaray Tottenham si ay ugu ogolaadaan inuu baxo, The Times ayaa sidaas qortay.

Waxaa la fahamsan yahay in Kane lagu qanciyay inuu sii joogo Spurs sannadkii hore balse heshiis uu la yeeshay guddoomiyaha kooxda Daniel Levy ayaa qeyb ka ahayd in loo ogolaado inuu ku biiro kooxda Manchester City haddii ay xiiso usoo bandhigaan.

Kane ayaa sameyn doona dadaal cusub si uu ugu qanciyo Levy iyo madaxda kooxda Tottenham inay iska iibiyaan xilli ciyaareedkan.

Spurs ayaa guuldarro 2-1 ka soo gaartay Aston Villa Arbacaddii, waxaana laga yaabaa inay si buuxda u seegaan tartamada Yurub ololaha xiga.

Abdihakim Olad

Read Previous

Donnarumma Oo Saxiixiisa Barcelona Loosoo Bandhigay

Read Next

Bartilmaameedka Arsenal Ee Booska Xulka Argentina Kala Baxay Dybala

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?