Donnarumma Oo Saxiixiisa Barcelona Loosoo Bandhigay

Goolhayaha wakiilka xorta ah noqonaya goordhow ee kooxda Ac Milan Gianluigi Donnarumma ayaa lagu soo waramayaa inuu ku biiri karo kooxda ka dhisan LaLiga ee Barcelona.

Goolhayaha Milan Gianluigi Donnarumma ayaa waxaa wakiilkiisa Barcelona Mino Raiola u soo bandhigay kooxda Barcelona, sida laga soo xigtay Diario AS.

Donnarumma ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka, xiddigan heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaanan weli heshiis cusub ula saxiixin Milan.

Waxaana lala xiriirinayay kooxaha ka ciyaara Serie A ee Juventus, Barca, Manchester United iyo Chelsea.

Imaatinka Donnarumma ayaa ku qasbi kara Barca inay iibiso goolhayadeeda koowaad ee Marc-Andre ter Stegen taas oo albaabka u fureysa helitaanka adeegiisa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Mbappe Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa – Miyuu Ka Tagayaa PSG?

Read Next

Kane Oo Doortay Inuu City Ku Biiro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?