Bartilmaameedka Arsenal Ee Booska Xulka Argentina Kala Baxay Dybala

Xiddiga kooxda Juventus Paulo Dybala ayaa arkay waji kale oo cusub oo horay u riixaya isaga, xilli uu u dagaallamayo booskiisa xulka qaranka Argentina.

Xiddiga uu Dybala u weyn karo booskiisa waxa uu ka cayaaraa heerka 2aad ee dalka Ingiriiska waxaana bartilmaameed uu u yahay kooxda kubbada-cagta ee Arsenal.

Xiddigan ayaa noqday cayaaryahankii ugu horreeyay ee ka cayaara heerka 2aad ee Ingiriiska oo ku guuleysta u-yeerista Argentina tan iyo markii Fabricio Coloccini iyo Jonas Gutierrez ay ka tageen Newcastle United in ka badan toban sanno kahor, iyadoo aan la yaab lahayn, ayay xiddigan ka go’an tahay inuu ka faa’iideysto fursaddan.

Emi Bundia waa cayaaryahan khadka dhexe uga cayaara kooxda Norwich City waxaana uu xiiso waali ah ka helayaa Gunners.

Laakiin kamid noqoshada Buendia ee xulka Argentina ayaa waxay qarow ku tahay Dybala, kaas oo la dhibtoonayay xilli cayaareed aad u hooseeya waxaana la filan karay inuu ugu yaraan ku jiri lahaa liiska xulashada Scaloni ee isreebreebka.

Waxaa laga yaabaa in dhibaatada ugu weyn ee Dybala ay tahay in soo wicitaanka Buendia ay muujineyso inuusan aheyn wiilka dahabiga ah ee xulka. Dhalashadiisa 28-aad waa bisha November, taasoo ka dhigeysa inuu ka weyn yahay dhammaan 11 xiddig ee dhowaan xulka looga yeeray.

Dybala wali wuxuu haystaa waqti uu ku caddeeyo inuu qayb ka noqon karo xulka iyo in kale waxayna tahay inuu bandhigyadiisa tayo u yeelo, laakiin halista ah in xiddigaha cusub ee ku soo biiraya xulka sida Buendia oo ay isaga ka saarayaan inuu xulka saameyn ku yeesho ayaa sii kordheysa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Kane Oo Doortay Inuu City Ku Biiro

Read Next

Ma Dalxiis…!!? – Lionel Messi Oo Sabab Layaab Leh Ku Seegaya Kulanka Ugu Dambeeya Ee La Liga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?