Mbappe Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa – Miyuu Ka Tagayaa PSG?

Kylian Mbappe ayaa sheegay inuu yahay mid aad ugu faraxsan kooxda Paris Saint-Germain kaddib guushii 2-0 ay ka gaareen Monaco finalka Coupe de France Arbacaddii, laakiin wuxuu diiday inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda markii la weydiiyay ciyaarta kaddib.

Weeraryahanka reer France, oo lala xiriirinayo inuu ka tago kooxda magaalada Paris ka dhisan xagaagan ayaa dhaliyay goolka labaad ee PSG kaddib markii Mauro Icardi uu furay akoonka goolasha daqiiqadii 19aad. Wuxuu ku andacooday waxa ugu muhiimsan inay aheyd ku raaxeysiga guusha halkii laga wada hadli lahaa waxa dhici kara xilli ciyaareedka soo aadan.

Inkastoo saaxiibkiis Neymar uu qandaraaska u kordhiyay kooxda horraantii bishan, Mbappe ayaan weli saxiixin heshiis cusub. Dib u dhaca ayaa sii xoojinaya wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan inuu ugu dambeyn riixi doono inuu u dhaqaaqo Spain ama England, halkaasoo la sheegayo in kooxaha sida Real Madrid iyo Manchester City ay doonayaan inay helaan adeegiisa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Giroud Oo Ibra Kula Middoobaya Milan

Read Next

Donnarumma Oo Saxiixiisa Barcelona Loosoo Bandhigay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?