Giroud Oo Ibra Kula Middoobaya Milan

Weeraryahanka Chelsea ayaa diyaar u ah inuu u dhaqaaqo Talyaaniga xagaagan madaama doorkiisa Stamford Bridge uu sii yaraanayo.

Olivier Giroud ayaa la sameysan kara iskaashi aan macquul aheyn Zlatan Ibrahimovic oo ka tirsan AC Milan, sida uu sheegayo Gazzetta dello Sport, iyadoo kooxo badan oo Serie A ah ay u muuqdaan in weeraryahan weyn uu ku habboon yahay kubbada-cagta dalka.

Olivier Giroud ayaa dhaliyay afar gool oo Premier League ah door xaddidan oo Chelsea uu ku qaatay sannadkan waxaana laga yaabaa inuu doonayo boos joogto ah oo uu ka heli karo meel kale kahor inta aan la gaarin waqtigii uu ciyaaraha ka fariisan lahaa.

Xiddigan heerka caalami u safta dalka Faransiiska ayaa qeyb ka ah xulkiisa ka qeybgalaya tartanka Qaramada Yurub ee bisha Juun billaabmaya waxaana weeraryahankii hore ee kooxda Arsenal uu booskiisa weeerarka tartan kala kulmi karaa Karim Benzema oo muddo 6 sanno kaddib Qaranka looga yeeray.

Abdihakim Olad

Read Previous

Antonio Rudiger Oo Weerar Afka Ah Ku Garaacay Xiddiga ‘Ixtiraamka L’a’ Ee Leicester City

Read Next

Mbappe Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa – Miyuu Ka Tagayaa PSG?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?