“Tababarka Ayuu Iga Saaray” – Nuri Şahin Oo Ka Sheekeeyay Wixii Kala Dhexmaray Jurgen Klopp

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Goal, xiddigii hore ee khadka dhexe ee Borussia Dortmund ayaa bixinyay aragti ku saabsan xirfadda maamul-wanaagga gaarka ah ee tababaraha Jarmalka u dhashay ee Jurgen Klopp.

Nuri ma xasuusto sannadka saxda ah, laakiin xaqiiqdii wuu xasuustaa dareenka.

“Waxay ahayd 2009 ama 2010,” Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Turkiga ayaa u sheegay Goal, isagoo dhoola cadeynaya.

“Waxaan u ciyaarayay Borussia Dortmund tababaraha ayaa iga saaray tababarka. Wuxuu ii sheegay inaan baxo, maxaa yeelay waxaan la murmay ciyaaryahan kale.” ayuu sii raaciyay.

”Waxaan ahaa dhalinyaro waxaanan moodayay inaan wax walba ogahay. Waan hubay inaan saxsanahay, boqolkiiba boqol, laakiin wuxuu ii sheegay inaan baxo, sidaas ayaan ku tegey.”

“Marka, maalintii ku xigtay ee aan soo laatay waxaanan u maleeyay ‘Hagaag, malaha waa ii dhammaadka halkan’, ma ogtahay? Waxaan u maleynayay inuu iga saarayo kooxda. Laakiin wuu soo galay{xerada tababarka} oo waxay umuuqatay inaanay waxba dhicin.”

“Waxay ii ahayd daqiiqad aan ogaaday inuu i garab istaagi doono xitaa markii aan khaldanahay. Waa awood marka aad taas ka ogaato tababarahaaga. ”

Tababarahaas, dabcan, wuxuu ahaa Jurgen Klopp. Waxaa laga yaabaa inaad horeyba u ogeyd tan, laakiin xiddigii hore ee kooxda Dortmund ayaa jecayl u qaba Jurgen Klopp.

Waxa uu ahaa Klopp, kii awood u siiyay Sahin inuu noqdo guulleeyste Bundesliga ah. Waxa uu ahaa Klopp kii fahmay, ee taageeray, markii uu u sheegay inuu doonayo inuu aado Real Madrid.

Waana Klopp kii markii dambe dib ugu soo celiyay Dortmund oo siiyay fursad uu kaga ciyaaro finalka Champions League.

“Waxaan u maleynayaa inay dadku ka caajisaan inaan ka hadlo isaga!” Sahin ayaa qosol raaciyay

“Laakiin wuxuu saameyn weyn igu yeeshay aniga, si lamid ah sida uu u saameeyo dhammaan ciyaartoydiisa.”

”Weydii mid ka mid ah cayaartooyda jooga Dortmund, Mainz, iyo Liverpool haatan, sidaas oo kale ayey kuu sheegi doonaan. ” ayuu yiri.

Nuri Şahin haatan waxa uu ka cayaaraa horyaalka dalkiisa hooyo ee Turkiga wuxuuna u saftaa kooxda heerka koowaad ka dheesha ee Antalyaspor.

Wuxuu waayihiisa cayaareed usoo saftay kooxaha Dortmund, Liverpool , Real Madrid iyo Werder Bremen marka laga saaro kooxda uu haatan u cayaaro ee dalka Turkiga.

Abdihakim Olad

Read Previous

Kante Oo Looga Baqayo Inuu Seego Fiinaalka CL-ga.

Read Next

Antonio Rudiger Oo Weerar Afka Ah Ku Garaacay Xiddiga ‘Ixtiraamka L’a’ Ee Leicester City

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?