Kante Oo Looga Baqayo Inuu Seego Fiinaalka CL-ga.

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa qaba cabsida dhaawac ee ku saabsan laacibka kooxda ee N’Golo Kante kahor fiinaalka Champions League-ga oo 10 maalmood gudahood la cayaarayo.

Thomas Tuchel ayaa isagoo sharraxaya arrintan wuxuu tibaaxay in xiddigan khadka-dhexe ee muhiimka ah laga saaray qeybtii hore ee kulankii Leicester si taxaddar leh maadaama uu soo gaaray dhaawac yar oo muruqa ah.

Kante ayaa lagu badalay Mateo Kovacic kaddib kaliya 32 daqiiqo oo ay soctay cayaartii ka dhacday garoonka Stamford Bridge, taas oo walwal ku abuurtay taageerayaasha Chelsea.

Xiddigan heerka caalami u safta dalka Faransiiska ayaa horay u seegay kulamo dhowr ah xilli ciyaareedkan, kuwaasoo kusoo beegmay billihii Janaayo iyo muddo kooban bilowgii bishii Abriil.

Abdihakim Olad

Read Previous

Suuqa-Maanta: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala-iibsiga

Read Next

“Tababarka Ayuu Iga Saaray” – Nuri Şahin Oo Ka Sheekeeyay Wixii Kala Dhexmaray Jurgen Klopp

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?