Antonio Rudiger Oo Weerar Afka Ah Ku Garaacay Xiddiga ‘Ixtiraamka L’a’ Ee Leicester City

Daafaca kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa weerar ku qaaday Daniel Amartey isaga oo ku eedeeyay daafaca Leicester City inuu yahay mi ‘ixtiraam la’aan ah’ kaddib finalkii FA Cup.

Intii lagu guda jiray dabaaldegii kooxda Leicester kaddib guushoodii FA Cup ee Wembley, Amartey ayaa laga duubay filim isaga oo qolka labiska ku tuuraya calanka kooxda Chelsea.

Cayaartoyda Chelsea ayaa ka aarsaday kooxda Leicester fiidnimadii Talaadada markii ay 2-1 kaga badiyeen Stamford Bridge si ay u adkeeyaan tartankooda afarta sare ee Premier League-ga. Rudiger ayaana qirtay inuu arkay ficillada Amartey taasoo uu sheegay inay siisay ciyaartoyda Chelsea dhiirigelin dheeri ah kulanka.

Muxuu Yiri Rudiger?

‘Nasiibdarro dadka qaar oo iyaga kamid ah ma yaqaanaan sida loo dabaaldego,’ Rudiger ayaa usheegay Chelsea TV.

‘Waxay ahayd inaan ku ciqaabno tan.’

‘Kaddib markii aan guuldarraysanay finalka waan wada hadalnay, in ay tahay ciyaar weyn oo soo socota ‘Qaar kamid ah iyaga ah ayaa xoogaa dhiirrigelin ah na siiyay. ‘Waan u hambalyeynayaa iyaga, way guuleysteen [finalka FA Cup], dabaaldeg iyo wax walba. Laakiin ha ixtiraamaan taariikhda naadiga. Tani way kaa weyn tahay. ‘

‘Waxaan ubaahannahay tamar iyo awood taas ayaana naga dhigeysa koox adag. Mana jiraan wax intaa ka badan oo aan ka dhihi karo. ‘

Dhanka kale macalinka kooxda Chelsea markii wax laga weydiiyay fiidiyowga wuxuu sheegay inuusan u adeegsanin qaab dhiirigelin u ah ciyaartoydiisa Chelsea kahor ciyaarta. ”Kamaan hadlin; Waan ogahay inay jirto dhacdadaas, laakiin kama aanan hadlin kahor ciyaarta” ayuu yiri Tuchel.

Abdihakim Olad

Read Previous

“Tababarka Ayuu Iga Saaray” – Nuri Şahin Oo Ka Sheekeeyay Wixii Kala Dhexmaray Jurgen Klopp

Read Next

Giroud Oo Ibra Kula Middoobaya Milan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?