Suuqa-Maanta: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

MUSTAQBALKA KANE OO LA GO’AAMİNAYO DHOWAAN

Harry Kane ayaa u sheegay Tottenham inuu doonayo inuu ka tago kooxda xilli ciyaareedka soo aadan, sida ay sheegayaan warar baahsan oo ka socda England.

Xiddigan ayaa ka xumaaday koob la’aanta ka jirta Waqooyiga London, waxaana lagu soo waramayaa inuu doorbidayo inuu baaqi ku sii ahaado Premier League iyadoo lala xiriirinayo kooxda heysata horyaalka ee Manchester City, sidoo kale kooxaha Manchester United iyo Chelsea.

Kane ayaa la rumeysan yahay inuu sidoo kale u furan yahay inuu u dhaqaaqo horyaalka LaLiga ee dalka Spain, iyadoo Barcelona ay ka mid tahay kuwa xiiseeynaya.

Wararka kale

  • Bogga hore ee Diario AS ayaa lagu sheegay in tababarihii hore ee Juventus Massimiliano Allegri uu ugu cadcad yahay inuu noqdo beddelka Zinedine Zidane haddii uu Faransiiska ka tago Real Madrid. Halyeeyga kooxda ee Raul, oo haatan mas’uul ka ah kooxda akaadeemiga Real Madrid ayaa ah dookh kale.
  • The Sun ayaa sheegeysa in City ay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina ee Lionel Messi, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan. Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu u furan yahay inuu dib ugula midoobo Pep Guardiola magaalada Manchester isagoo u saxiixaya heshiis hal sano ah.
  • Barca waxay miisaameysaa mustaqbalka Gerard Pique, Sergio Busquets, Antoine Griezmann iyo Sergi Roberto, sida ay qortay Mundo Deportivo. Xaalad dhaqaale awgood, ciyaartoyda waxaa laga codsan karaa inay yareeyaan mushaarka madaama kabtanka Lyon Memphis Depay uu isku diyaarinayo inuu Camp Nou ku yimaado qaab bilaash ah. Weeraryahanka City Sergio Aguero, daafac Eric Garcia, Haaland iyo xiddiga Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa.
  • Xiddiga Lille ee Jonathan Ikone waa mudnaanta koowaad ee Dortmund iyadoo kooxda Bundesliga ka dhisan ay isu diyaarineyso la’aanta Jadon Sancho, sida laga soo xigtay France Football. Sancho ayaa lala xiriirinayaa inuu ku biirayo United ama Liverpool, halka Dortmund ay sidoo kale isha ku heyso da’yarka PSV Donyell Malen, weeraryahanka Ajax David Neres iyo Pedro Goncalveska Sporting CP.

Abdihakim Olad

Read Previous

Kane Kooxdee Ayuu Ku Biirayaa? – United Mise City? ( Goorma? )

Read Next

Arteta : ‘Macsalaama Luiz Laakiin Willian Wuu Joogayaa’

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?