Kane Kooxdee Ayuu Ku Biirayaa? – United Mise City? ( Goorma? )

Xiddiga iyo kabtanka kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa shaaca ka qaaday inuu xaagagan ka tagayo kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

Kane ayaa isagoo u warramaya BBC Sports waxaa uu tibaaxay inuu suuqa soo aadan ee xagaaga uu isaga tagayo kooxda Spurs balse waxa uu muujiyay rabitaankiisa ah inuu weli kasii cayaaro horyaalka Premier League-ga İngiriiska.

Kooxaha Manchester United, Manchester City iyo Chelsea ayaa dhammaantood xiriir la sameeyay xiddigan , hayeeshee weli ma cadda meesha uu u jiheysanayo balse waxaa ay tahay inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa goordhow.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wakiilka Harry Kane uu doonayo inuu xiddigiisa koox ugu helo kahor inta aanu billaaban Tartanka Qaramada Yurub ee bisha soo aadan.

Cayaaryahan heerka caalami ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa loo badinayaa inuu u saxeexi karo kooxda Red Devils, balse wax walba dhowaan ayay kala caddaanayaan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Croatia Oo Shaacisay 26ka Cayaaryahan Oo Uga Qeybgalaya Euro-ga

Read Next

Suuqa-Maanta: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?