Arteta : ‘Macsalaama Luiz Laakiin Willian Wuu Joogayaa’

David Luiz ayaa ka tagi doona kooxda Arsenal xagaagan, halka Willian uu horyaalo shaqo adag xilli-ciyaareedka dambe.

Tababare Mikel Arteta ayaa si sharaf leh u amaanay David Luiz kaddib markii daafaca reer Brazil uu shaaca ka qaaday inuu ka tagayo Arsenal dhammaadka xilli ciyaareedkan.

34 jirkaan ayaa usoo dhaqaaqay Waqooyiga London isagoo Gunners kaga soo biiray Chelsea bishii Ogoosto 2019.

Wuxuu ciyaaray 73 jeer tartamada oo dhan, wuxuuua dhaliyay afar jeer, isagoo 18 mar shabaqiisa ilaashaday.

Arsenal ayaa badisay 32 ka mid ah 69kii kulan ee uu u cayaaray wakhtigaas – guul 46.4 boqolkiiba ah – laakiin Arteta iyo David Luiz ayaa si wada jir ah u ogolaaday in la kala tago marka uu qandaraaskiisu dhaci dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale macalinka reer Spain ayaa ka hadlay arrinta Laacibka David Luiz ay isku dalka yihiin isla markaana ay kasoo wada cayaareen Chelsea ee Willian kaas oo xilli ciyaareed adag la qaatay Gunners ololahan.

32 jirkaan ayaa xilli dambe dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Premier League ee Gunners kulankii ay 3-1 kaga badiyeen West Brom horaantii bishaan, halka shanta caawin ee horyaalka uu sameeyay ay aad uga hooseeyaan intii laga filayay markii uu imanayay.

Arteta Muxuu Yiri?

Isagoo ka hadlaya David Luiz: “Runtii waan u riyaaqay la shaqeyntiisa, waxaan isla soo qaadanay waqtiyo aad u wanaagsan, runtiina wax badan ayuu i caawiyay.”

“Kaliya inaan u mahadceliyo isaga oo aan u rajeeyo nasiib wacan cutubkiisa xiga.”

Mikel Arteta ayaa isagoo ka hadlaya arrinta Willian sidoo kale warbaahinta u sheegay: “isaga waa ciyaaryahan leh hibo cajiib ah iyo heer ciyaareed oo lagu xaqiijiyay horyaalkan,”

“Xilli ciyaareedkaan wuxuu u ahaa mid adag, waxaana qaadayaa masuuliyad buuxda maxaa yeelay waxay ahayd inaan soo saaro waxa ugu fiican isaga.”

Arteta ayaa mar la weydiiyay in Willian uu isna baxayo wuxuu yiri : “Ciyaaryahan kasta oo qandaraas ku jira kooxda waxay u badantahay inuu sii joogo xilli ciyaareedka soo socda. ”

Abdihakim Olad

Read Previous

Suuqa-Maanta: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Read Next

Benzema Oo 6 Sanno Kaddib U Safanaya Faransiiska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?