Xulka Belgium Oo Shaaciyay Cayaartooyda Uga Qeybgalaya Euro-ga – Yaa Kusoo Baxay Liiska?

Xulka kubbada-cagta ragga ee Belgium ayaa magacaaway 26-ka xiddig ee u matali doona Tartanka Qaramada Yurub ee bisha Juun, iyadoo kooxda adduunka kaalinta koowaad kaga jirta ay rajeyneyso inay ku guuleysato koobkeedii ugu horreeyey ee caalami ah kahor inta aaney jiilka dahabiga ahi ka bixin.

UEFA ayaa dhawaan ogolaatay inay si ku meel gaar ah u kordhiso tirada loo ogol yahay inay xulalka usoo magacaabaan cayaartooyda oo ka koobnayd 23 haatanna laga dhigay 26 iyadoo la tixgelinayo dalabyada jir ahaaneed ee dheeriga ah ee ciyaartoyda xilli ciyaareedkan maadaama uu saameen ku yeeshay cudurka Covid.

Belgium ayaa ka mid ahaa xulalkii ugu cadcadaa Tartankii Qaramada Yurub ee 2016, laakiin waxaa ka yaabsaday Wales oo ku reebay wareegga 8da. Kaddib waxay ku dhammeysteen kaalinta seddexaad Koobkii Adduunka ee ugu dambeeyay, waxaana mar kale loo saadaalinayaa inay xagaagan ku guuleysan karaan.

Ma jiraan wax kadis ah oo ku saabsan xulista kooxda, taas oo u fududeeneysa tababare Roberto Martinez iyadoo ay ugu wacan tahay awoodda uu u leeyahay inuu magacaabo seddex ciyaaryahan oo dheeri ah marka loo eego sida caadiga ah.

Kevin De Bruyne iyo Romelu Lukaku ayaa ku biiraya tartanka iyagoo wajahay xilli ciyaareedyo fiican oo ay kooxahooda la qaateen, halka Eden Hazard uu rajeynayo in taam ahaanshihiisa uusan hoos u dhigin. Sidoo kale wuxuu tartankan si fiican u noqon karaa fursadii ugu dambeysay ee seddex daafac ee Jan Vertonghen, Thomas Vermaelen iyo Toby Alderweireld ay ku wada cayaaraan.

Halkan hoose ka eeg kooxda oo dhammeystiran

Goolhayeyaasha: Thibaut Courtois (Real Madrid), Simon Mignolet (Club Brugge), Matz Sels (Strasbroug)

Daafacyada: Toby Alderweireld (Tottenham), Dedryck Boyata (Hertha Berlin), Jason Denayer (Lyon), Thomas Vermaelen (Vissel Kobe), Jan Vertonghen (Benfica), Timothy Castagne (Leicester), Thomas Meunier (Borussia Dortmund)

Khadka-dhexe: Kevin De Bruyne (Man City), Leander Dendoncker (Wolves), Dennis Praet (Leicester), Youri Tielemans (Leicester), Hans Vanaken (Club Brugge), Axel Witsel (Borussia Dortmund), Yannick Carrasco (Atletico Madrid), Nacer Chadli (Istanbul Basaksehir), Thorgan Hazard (Borussia Dortmund)

Weerarka: Michy Batshuayi (Crystal Palace), Christian Benteke (Crystal Palace), Romelu Lukaku (Inter), Jeremy Doku (Rennes), Eden Hazard (Real Madrid), Dries Mertens (Napoli), Leandro Trossard (Brighton

Abdihakim Olad

Read Previous

Barcelona Oo Wadahadallo Kula Jirta Xavi

Read Next

Croatia Oo Shaacisay 26ka Cayaaryahan Oo Uga Qeybgalaya Euro-ga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?